Lacagta Turkiga oo wali hoos usii hoobanaysa

Qiimaha lacagta Turkiga ee Lira ayaa hoos u sii dhaceysaa waxayna salka ku haysaa xiriirka sii xumaanaya ee Turkiga iyo Mareykanaka.

Turkiga wuxuu weli xabsiga ku hayaa ninka baadariga ah ee u dhashay Mareykanka kaasoo ay ku sheegeen inuu ku lug lahaa afgembigii dhicisoobay ee labo sanno ka hor ka dhacay Turkiga.

Dadka wax falanqeeya ayaa sidoo kale sheegeen in hoos u dhaca lacagta liiraha la xiriirinaya maamulidda dhaqaalaha waddankaasi oo ay door wayn ka cayaarayaan madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo wiilka uu soddogga u yahay Berat Albayrak.

Albayrak ayaa sheegaya inuu maanta ku dhawaqi doono tallaabooyin lagu dajinayo sicir Bararka ka taagan Turkiga.