Video:-Col.Caare iyo Ciidan uu wato oo soo gaaray gudaha Puntland

Waxaa soo gaaray Puntland Ciidamadii Col Caare ee kasoo goostay maamulka Jeegaanta.

Col Caare oo hogaaminaya Ciidan gaaraya 3-boqol kuna hubaysan Hub iyo saanad Milatari oo xoog leh ayaa lagu soo dhaweeyy duleedka Magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar.

Dowlada Puntland oo soo dhawaysay Sarkaalkan iyo Ciidamada uuwato,ayaan ilaa iyo hada si cad uga hadlin imaanshahooda.

Col.Caare ayaa qorshaynaya in uu urursado cudud ciidan,kadibna u dhaqaaqo ka xoraynta beeshiisa dulmiga Jeegaanta,iyadoo la filayo in ay maalmaha soo socda ay kusoo biiraan Ciidamadiisa Maleeshiyo fara badan oo jidka kusoo jirta.

Col.Caare oo hadal kooban siiyay saxaafada ayaa sheegay in uu Puntland ka helay saldhig Milatari kana soo duulayo halkaas oo uu Ciidankisa urursanayo dibna u xoraynayo Somaliland.

Sidoo kale ganacsatada iyo qurbajoogta beesha Garxajis ,ayaa wada abaabul xoog leh oo ay ku garab istaagayaan Col.caare iyo Ciidankiisa.

Isku soo wada duuboo Co.Caare waxuu hada ku sugan yahay gudaha Puntland oo uu ka helay Saldhig Ciidan oo uu isku abaabulo,hoos ka dhagayso codka Talye Caare,hoos ka d aawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka