Buundo dheer oo ku burburtay Talyaaniga iyo 11 ruux oo ku dhimatay (Sawirro)

Buundo dheer oo u jirta dhulka 100 mitir, kuna taal magaalada Genova ee waqooyiga dalka Talyaaniga ayaa soo duntay maanta, waxaana ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti.

Inta la ogyahay ilaa iminka 11 ruux ayaa ku dhimatay kuwaas oo burburka buundada ku habsatay ama saarnaa gawaari dul mareysay buundadaasi.

Wali ma cada sababta keentay in buundadu bur-burto, waxaana ay dowladdu sheegtay in ay baareyso.

Silkan ayay dowladda ku fasirtay mid musiibo ah islamarkaana saameeyay dhul baaxad leh

in la badan 24 mitir oo dherer buundada ah ayaa bur-burtay.