Nin baabuur ku dardarsiiyay baarlamaanka Britain hortiisa

Booliska magaalada London ayaa sheegay in nin watay baabuur uu maanta dar-darsiiyay dad lugeynayay iyo kuwo watay baaskiil oo marayay agagaarka Aqalka Baarlamaanka Britian.

Kadib marki uu dhowr qof ku dhaawacay baabuurkiisa, ayuu ninkani gaariga ku dhuftay dhagax jidgooyo ahaa oo yaallay bannaanka Aqalka Baarlamaanka, sida ay saraakiil sheegeen.

Saraakiisha ayaa sheegay in boolisku ay xireen ninka waday baabuurka. Boolisku wuxuu sheegay inuusan jirin qof kale oo la socday ninkani, sidoo kale ma jirin wax hub ah oo ay ka heleen gaariga.

Adeegga gaadiidka gurmadka deg-degga ee London ayaa sheegay in ay isbitaalka u qaadeen laba ruux oo dhaawacyo fudud qabay.

Goobta uu weerarka ka dhacay ayaa la xiray. Ma jirin mudanayaal ka tirsan baarlamaanka oo joogay xarunta maadaama uusan jirin wax kal fadhi ah sida ay sheegeen warbaahinta Ingiriiska.