AMISOM oo ka baxaya garoonka Muqdisho Stadium.

Amisom ayaa ka baxaysa Garoonka kubadda cagta ugu weyn Soomaaliya ee Muqdisho Stadium, halkaasi oo u ahayd saldhig Millatari.
 
Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa bartiisa Twitterka ku sheegay in ay bilaabeen in ka baxaan saldhiggan.
 
Muqdisho Stadium waxaa la’asaasay 1978kii, waxaana uu leeyahay qeybo kala duwan sida garoon kubadda cagta, oradada, dabaasha iyo waliba kubadda miiska.