Cabdiqaadir M.Nuur oo loo magacaabay la taliye sare oo Baarlamaanka Fadaraalka ah

Jaamac ayaa laga dhigay La Taliye sare oo ka tirsan xafiiska Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, waxaana xog-hayaha guud ee Golaha lagu faray inuu marsiiyo habraaca maamuuska lataliyaha iyo meel marinta go’aanka harsan.

C/qaadir Maxamed Nuur iyo Guddoomiyaha Maxamed Mursal Sheekh ayaa horay u soo wada shaqeeyay, gaar ahaan xilligii Mursal uu ahaa Safiirka Soomaaliya ee Turkiga.

Maalintii Khamiista ayaa C/qaadir Jaamac laga qaaday xilka taliye ku xigeenkii Hay’adda Nabadsugid, kaddib wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha.

Taliyaha Nabadsugida Xuseen Cismaan Xuseen ayaa horay shaqo joojin ku sameeyay C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac

Waa masuulkii ugu horeeyay oo ka mid ah xubnihii saraakiisha ee xilka laga qaaday khamiistii lasoo dhaafay oo maalmo kadib xil loo magacaabo.

 

 

Halkan ka akhriso:-