Shirka golaha Dowlad Goboleedyada oo 3-bisha ka dhici doona kismaayo

War qoraalla oo kasoo baxay Madaxweynaha Gollaha iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,ayaa lagu sheegay 03/09/2018 in shirka 3-aad ee golaha lagu qaban doono magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay in looga tashan doono shirkaas danaha dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka iyo guud ahaan kuwa qaranka Soomaaliya.

Warar hoose,ayaa  sheegaya in shirkaas looga xaajoon doono arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka madaxtinimo ee dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka Somaliya oo intooda badan dhici doona sanadka soo socda ee 2019.

Ilo wareedyo madax banaan ayaa tilmaamaya golluhu in ay xooga ku saari doonaan shirkooda sidii loo heli lahaa qorshe ku saabsan isku mar in la qabto doorashada madaxtinimada dowlada dhexe iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka,sidoo kale waxaa shirkaas looga xaajoon doonaa qodobadii shirkii amniga qaranka ee baydhabo ,kuwaasoo la sheegayo in aysan wax badan ka fulin.

Waa shirkii labaad oo gollaha iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaaralka ah ay ku qabsan doonaan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland.

 

 

 

Halkan ka akhriso wareegtada:-