Video:-Masuuliyiinta Jubaland oo si adag uga hor yimid hadalkii Faarax Macalin

Masuuliyiinta Maamulka Jubaland,ayaa si adag ubeeniyay war kasoo yeeray Gudoomiye xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin Dawaare.

Faarax Macalin Dawaare,ayaa maalin ka hor waxuu sheegay in Dowlada Kenya ay siiso Maamulka Jubaland dhaqaale bele ah oo gaaraya Hal Milyan iyo Shan boqol oo Kun Dolar.

Faarax Macalin,ayaa sidoo kale sheegay in ay ksimaayo joogaan Ciidamo fara badan oo sikugu jira ciidamada Kenya,itoobiya,Daraawiishta Jubaland iyo Kuwa Nabadsugida ee NISA.

Hadaba Madaxweyne xigeenka koowaad Maxamuud Sayid Aadan iyo Wasiirka Maaliyada Cabdirashiid Jire oo saxaafada la hadlay,ayaa beeniyay warkaas sheegayna in aysan waxba ka jirin wararka uu sii daayya Faarax Macallin.

Faarax Macaln Dawaare,ayaa si adag umucaarada guud ahaan Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka Somaliya,gaar ahaan maamulka Jubaland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Madoobe,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka