Video:-Ururada ONLF iyo SDRA oo ku heshiiyay in ay midoobaan

Ururada udagaalanka xuquuqda Gobolka Somalida ee kala ah ONLF iyo SRDA waxaa usoo gabagaboobay kuna soo idlaaday is afgarad kulamo muhiim ahaa oo usocday todobaadyadii lasoo dhaafay.
 
Ururadu waxay si qoto dheer qiimayn ugu sameeyeen xaalada guud ee Itoobiya,gaar ahaan tan Gobolka Somalida .
 
Arimaha ay kawada xaajoodeen,ayaa waxaa ugu horeeya dhinacyada dhaqaalaha,siyaasada iyo amaanka.
 
Ururadan waxay falanqayn dheer kadib isla qaateen in ay u istaagaan badbaadinta mustaqbalka deegaanka iyo raadinta Xuquqdiisa,waxayna isku afgarteen in ay umidoobaan oo abuuraan isbahaysi ka kooban labada Urur iyo Bulshada ku xiran ee hoos timaada.
 
Dowlada dhexe ee itoobiya,ayaa qorshaynaysa in ay qabato shir looga xaajoonayo xaalada Deegaanka Somalida,kaasoo ay kasoo qaybgali doonaan guud ahaan Ururada,siyaasiyiinta iyo waliba qaybaha bulshada ee Deegaanka.
 
Somalida Itoobiya,ayaa wajahaya isbadalka ku yimid guud ahaan Itoobiya hogaankeedii iyo hanaankeedii maamul,waxaana looga fadhiyaa in ay la yimaadaan bisayl iyo midnimo ay kula jaanqaadan isbadalada kagana hortagaan hagardaamooyinka kaga imaan kara,hoos ka daawo muuqaalka.
Halkan ka daawo muuqaalka