Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib safar dhowr maalmood qaatay oo uu dalka kaga maqnaa.
 
Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisa waxa uu ku maray wadamada Jabuuti iyo Turkiga, waxa uuna la kulmay madaxda ugu sareysa dowladahaas.
 
Madaxweyne Farmaajo,oo ku horeeyay dalka Jabuti,ayaa kulan¨kulmay Madaxweynaha dalkaas Ismaaciiil Cumar Geelle .iyagoo kawada hadlay sii xoojinta xiriirka labada dal kaasoo madmadaw uu ku yimid kadib baaqii Madaxweyne Farmaajo jeediyay ee ku aadanaa in cunaqabataynta iyo xayiraadaha saaran dalka eretereya laga qaado,baaqaas oo ay dowlada Jabuti si weyn uga xumaatay.
 
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo waxuu dalka Jabuti uga gudbay dalka Turkiga ,halkaas oo uu kaga qaybgalay shirweynaha Xisbiga talada dalkaas haya ee AK Party,.
 
Inta kuu sugnaa Farmaajo Ankara waxuu kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee dowlada Fadaraalka Somaliya Xasan Shiikh.
 
Xogaha laga helayo kulankaas oo ah kii labaad oo dhexmara Farmaajo iyo Xasan Shiikh,ayaa sheegaya in ay kawada xaajoodeen xaalada dalka,gaar ahaan culayska mucaaradka ku hayo dowlada.Farmaajo-
 
Xasan Shiikh,ayay wararku sheegayaan in uu dalka dib ugu soo laaban doono bilaha soo socda kuand hawaaqi doona isbahaysi cusub.
 
Ilaa iyo hada lama xaqiijin karo waxa kasoo baxay ama laysku afgaraty kulanakas.