Video:-Maxaad ka taqaan Madaxweynaha cusub Ee Dowlada Somalida Itoobiya?

Mustafe wuxuu ku dhashay 1972 magaalada Awaare ee aagga Jarar ee gobolka Soomaalida Itoobiya.

Waxbarashadiisa dugsiga hoose wuxuu ku qaatay dugsiga Awaare, wuxuuna ku sii dhamaystirtay Dhagaxbuur oo reerkoodu uu u guuray, halkaasoo sidoo kalena uu dugsiga sare ka galay.

Waxbarashadiisa jaamacadda wuxuu ku sameeyey jaamacadda Addis Ababa, kulliyadda dhaqaalaha, halkaasoo uu ka qaatay shahaadada 1aad ee cilmiga dhaqaalaha.

Shahaadada Labaad ee jaamacadda (masters) ee isla dhaqaalaha wuxu ka qaatay Imperial College of London.

Wuxuu agaasime ka soo noqday machadka tababarka macallimiinta ee Jigjiga oo hadda loo yaqaanno kulleejka tababarka macallimiinta ee Cabdulmajiid.

Wuxuu kaloo soo noqday wasiir ku xigeenka waxbarashada ee gobolka Soomaalida.

Wuxuu ka soo shaqeeyey hay’ado kala duwan oo ay ka mid yihiin Save the Children, WFP, OCHA, iyo qaar kale.

Wuxuu waayo aragnimo u leeyahay hawlaha bani’aadminimo ee Qaramada Midoobay.

Waxaa loo beddelay dalka Zimbabwe 2006/7 ka dib markii loogu hanjabay in la dilayo, markaasoo uu gacan ka gaystay in la kashifo xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo TPLF ay ka gaysteen gobolka Soomaalida ee Itoobiya.

Haatan inta aan la magacaabin wuxa uu ushaqaynayey hawlgalka bani’aadminimada Qaramada Midoobay oo uu u ahaa sarkaalka qaabilsan xiriirinta hawlaha bani’aadminimada ee Soomaaliya.

Mustafe Muxumad Cumar waa shakhsi u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, waana nin aad wax u qora.

Wuxuu aad uga soo horjeeday maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar.

Oktoobar 2016 waxaa sida la sheegayo u hanjabay maamulkii gobolka ka talinayey.

Wararku waxay sheegayaan in markii uu u hogaansami waayey digniintaas ay ciidanka Liyuu Boolisku qabteen oo ay ka kaxaysteen aabihiis oo 70 jir ahaa, iyo walaalkiis ka yaraa, Faysal Cumar, magaaladooda dhagaxbuur.

Dad xog ogaal ah waxay sheegeen in Faysal la dilay oo laga tuuray gaari xawli ku socday, ayadoo ka dibna la sheegay in uu isagu is dilay ayadoo uu aabihii goobjoog ahaa,hoos ka daawo muuqaalka

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka’