Dhismaha Wadada Gaalkacyo iyo Garoowe oo galay wajigiisii ugu danbeeyay

Wadadii Gaalkacyo iyo Garoowe oo dhismaheedu mudo socday,ayaa maanta lagu bilaabay saarida Daamurka.
 
Wadada waxay gashay wajigeedii ugu danbeeyay ee saarida Daamurka,iyadoo qorshuhu yahay in bisha October bartankeeda xariga laga jarayo iyadoo dhamaystiran.
 
Muuqaalkan ayaa soo afjaraya warar ay baahiyeen saxaafada qaarkeed,kaasoo sheegayay in ay fashilmay dhismihii Wadadaas.
 
Mashruuca lagu dhisayo Wadada Galkacyo iyo Garowe ayaa ahaa mid uu soo diyaariyay maamulka Gaas,isla markaana xaalado kala duwan soo maray ayna maalgalinayaan Midwoga Yurub,balse ugu danbayn umuuqda mid guulaystay..
 
Mashruucan oo ah mid ka mid ah mashruucyada ugu muhiimsan Puntland ayay shacabku si gaar ah isha ugu hayaan