Garwaaqsigaygii dhabta iyo Garnaqsigii Niihaat!WQ.Cismaan Caydaruus

Waa maalin kamid ah maalmaha aan sida caadada ahayd u socdaalayo dhismaha aan wax ka baranayo,waxaan sii raacay basaska waaweyn ee “Metro bus-ka”,meesha aan u socdo maadaama ay in door ah durugsantahay oo ugu yaraan labo saac lasii socon doono,rakaabku waxay bilaabeen in ay sheekaystaan oo wakhtiga isdhaafiyaan. Inta aan halkaan joogay,waxaan caqabad weyn kala kulmay ku hadalka luuqadda dalkaan oo afka wali kuma aan ahi xariif,kolkaasay dantu i badday in aan iska aamuso. Hortayda waxaa fadhiya nin oday ah da’ ahaanna aan yarayn. Wuxuu go’aansaday bal inuu ila hadlo oo labada saacadood aynu isu xogwarran ku qaadanno.
Isbariidin kadib,wuxuu i weydiiyay magacayga iyo dalka aan kasoo jeedo,waxaan ahay Cismaan oo kasoo jeeda Soomaaliya ayaan ugu warceliyay.
Wuxuu isna ii sheegay in Niihaat la yiraahdo,uuna u dhashay dalka aan joogno ee Turkiga.

Oday Niihaat si ka duwan badi dadka reer Turki,wuxuu si aan kala go’ lahayn ugu hadlaa luuqada English-ka,aniga oo la yaabban ayaan weydiiyay halka uu sida wanaagsan ugu bartay English-ka. Niihaat inta uu dhoollacadeeyay ayuu ii sheegay in uu muddo 20 sano ah ku noolaa dalka Mareykanka. Waxaa uu i waydiiyay waxa aan halkan u imid, waxaan u sheegay in aan waxbarasho u joogo, waxa uu i weydiiyay in aan deeq waxbarasho ku imid iyo in kale, waxaan ugu warceliyay in qoyskaygu ii qabo waxbarashada,Niihaat isaga oo yaabban ayuu i waydiiyay, “Oo qoyskaagu miyay awoodaan inay kaa bixiyaan?”!
“Haa ayaan ugu warceliyay,kaligayna ma aha ee inta badan Soomaalida aad halkan ku aragto iyaga ayaa isbixiya”.

Niihaat cabbaar ayuu iga aamusay,oo wuxuu la yaabbanyahay hadalkaygii ahaa Soomaali ayaa jaamacado private ah la bixi kara!

Waxaan weydiiyay sababta dadka reer Turki aysan u aqoon badankood luuqadaha English-ka ama Carabiga maadaama ay yihiin luuqado caalami ah?
Isaga oo qoslaya iskuna kalsoon ayuu igu yiri,”Ma kuwii aan u talin jirney ayaan luuqadahooda magan u noqonnaa”.?
Waxaan weydiiyay inay isyeel-yeel ka tahay iyo in ay ummad 80 milyan ahi aysan afafkaa waxba ka aqoon?

Wuxuu ii sheegay in saami aan yarayn oo bulshadooda kamid ahi ay yaqaannaan afafkaas,balse ay muhiimadda koowaad siinayaan afkooda iyo dhaqangalintiisa,ajaanibka u yimaadana uu marka uu waayo cid af shisheeye kula sheekaysata muddana sida dhagoolka uu gacmaha taag-taago,uu si sandulle ah u galayo dugsiyada lagu barto afkooda.

Waxaan weydiiyay sida bulshadoodu u arkaan ajaanibka halkan deggan ee ka shaqaysta,wuxuu ii sheegay inay dhibsadaan dadkaas,oo booska timajaraha ah ee uu ninka Suuriyaanka ahi buuxinayo,ama booska ay gabadha carruurta xanaanaysa(baby sitter) ee Yamaniyadda ahi ka bariisaynayso,uu kaga xaq leeyahay qofka Turkiga ahi.

Waxaan weydiiyay sababta uu America uga yimid haatan? Ma da’dii hawlgabnimada ayaad gaartayna waan usii raaciyay?
Wuxuu ii sheegay in da’da hawlgabka uusan wali gaarin,oo uu kasii shaqaysan karayay Mareykanka,hase ahaatee uu ku talogalay inuu bal inta cimrigiisa ka harsan uu dadkiisa si mutadawacnimo ah ugu adeego,wuxuu ii sheegay inuu professor ka ahaa jaamicad ku taalla Mareykanka,haddana uu jaamacad Istanbul ku taalla ka noqonayo bare jaamacadeed hal galin(part-time professor) si bilaash ahna wax u bari doono dhalinta dalkiisa.

Waxaan wax ka weydiiyay qaabka ay doonayaan inay uga baxaan sicirbararka dhaqaalahoodu ku suganyahay,wuxuu ii sheegay in dowlado jilibculus ahi ku hayaan dagaal dhaqaale,wuxuuna ii sheegay in isku duubnida shacbigooda iyo aragti dheerida dowladdooda awgood ay si nabdoon usoo afjari doonaan mashaqadan. Wuxuu tusaale iigu soo qaatay ganacsade Turki ah oo maalinkaas ay saxaafadda caalamku aad u hadal haysay kana ganacsada khudradda,kaas oo ballanqaaday in ciddii lacag dhan $300 sarrifta una baddasha Liirada Turkiga,uu inta uu doono oo khudrad ah iska daabulan karo si bilaash ah,dad kaas oo miiran ahina waa ay ka dabbaali doonaan mashaqadan ayuu iigu daray.

Waxaan wax ka weydiiyay sida uu u arko jasiiradda Qubrus(Cyprus) oo ay ku murmaan iyaga iyo Giriiggu?
Wuxuu isoo eegay isaga oo dareenkiisu isbaddalay,si caro ka muuqato ayuu iigu yiri “Ma in aan annagu leennahay ayaa caad kaa saaaran yahay”? “Waa dhul iyo dad annaga ah oo muran la galiyay,waligeense kama tanaasuli doonno,marka ay habboontahayna waan hubaa inay dowladdayadu ka dhaqdhaqaaqi doonto.”

Waxaan weydiiyay in tallaabooyin militari ay dowladdoodu u mari doonto iyo in kale,wuxuu ku warceliyay in ugu horreyn hab nabdoon ay doorbidayaan,haddiise ay ka fursan waydo ay tillaabooyin militari dowladdoodu ku dari doonto,wuxuu ii raaciyay oraahdii caanka baxday ee uu Jamaal Cabdinaasir ku dhiirrigalin jirey ciidankiisa kolkay ku jireen dagaalkii “Lixda maalmood” ee ay la dirirayeen Israel kuna soo ceshanayeen Siinaa’,
” ما أخذ بقوّة لا يستردّ إلّا بقوّة”,
lana micno ah wixii awood lagaaga qaatay,awood ayaa lagu soo celiyaa.

Wuxuu ii sheegay in dowladdoodu ay lacag balaayiin dollar ah ku bixiso tayaynta waxbarashada heer walba,horumarinta tiknolojiyadda,kor u qaadista waxsoosaarka warshadaha,casriyaynta hubka ay dalkooda ku sameeyaan iyo waxyaalo kale. Wuxuu ii sheegay in ay ka fakarayaan siday tiradooda usii badin lahaayeen,oo 80 milyan oo maanta joogta aysan waxbadan ahayn,awoodda dhabta ahina ay tahay tan dadka(man power).

La sheekaysigaygii Niihaat waxaan ka bartay casharro badan oo iga maqnaa,ayna ugu muhiimsanaayeen;

1) In bulsho waliba ay ka shaqayn karto kor u qaadista afkeeda,kuna khasbi karto ajaanibka la nool inay bartaan afkooda taas oo caalamiyeynaysa afkaas,waxaan soo xasuustay sida ay Soomaalidu uga faanaan afkooda,iyo sida ay dowladda dhexe iyo kuwa gobollada ee dalka ka taliyaa xafiisyadooda looga adeegsado afaf qalaad,iyaga oo waliba ku tookhaya.
2) In qurbajoogta dal uu leeyahay ay waxbadan u faa’ideyn karaan dadkooda haddii ay go’aansadaan in ay wax ka baddalaan hab-nololeedka dalkooda hooyo,kolkaas ayaan soo xasuustay waxa Professor,maalqabeen iyo General Soomaali ah ee qurbaha ku nool ee marnaba aan dalkii imaan bulshadiina wax barin,ugu danbeyna qurbaha ku odoyooba dabadeedna ku geeriyooda.
3) In dadyowga kale ee dunidu aad u tixgaliyaan shaqo nooc ay ahaataba,ayna muwaadiniintoodu shaqooyinkaas ku qamaamaan,ajaanibkana ka ciriirsadan,kolkaas ayaan soo xasuustay waxa shaqo mushahaar fiican leh ee ajaanibtu dalkayga kaga shaqaystaan,Soomaaliduna ka faanaan.
4) In ganacsatada aan Soomaalida ahayni ay danta dalkooda ka hormariyaan dantooda,kolkaas ayaan soo xasuustay ganacsatadii ma-naxaanka ahaa ee dalkaygu dhaxalka u helay,kuwaas oo marka sicirbarar jiro qiimaha laba jibbaari jirey,si kaligood magan loogu noqdana ganacsigooda muddo xiri jirey si looga codsado inay dib u furaan.
5) In dadyowga aan Soomaalida ahayn ee dal iyo dad ka maqanyihiin aysan marnaba hilmaamin dhulalkaas ka maqan,had iyo goorna ay u tabaabushaytaan sidii ay dib gacanta ugu dhigi lahaayeen,kolkaas ayaan soo xasuustay sida Soomaalida oo dhulkooda nuskiis lagala maqanyahay ay u dammanyihiin,una hilmaansan yihiin in wax ka maqanyihiin!
6) In dowladuhu kharash badan ku bixiyaan sidii ay u tayayn lahaayeen dadkooda,dalkoodana u hormarin lahaayeen,kolkaas ayaan soo xasuustay sida madaxda Soomaalidu ay waxa yar ee la helo ugu bixyaan siday saro dhaadheer ugu taagan lahaayeen,iyo siday kursiga dib ugu soo noqon lahaayeen.
7) In bulshooyinka adduunka annaga oo ugu tiro yar,aan isu aragno “laandheerayaal”,dhabtuse tahay inaynu ugu “laangaabsannahay”,haddii ay cidi laandheeranimo sheegan kartana ay tahay China iyo India shucuubtooda,sida loo kala badanyahayna loo kala mudanyahay.
8)In shucuubta caalamku ay Soomaali ahaan inaga aamminsayihiin gabi ahaanteenba dad sabool ah,burcad iyo argagixisana ah,taasna ay sababayso warxume tashiilka warbaahinnada shisheeye,”media bias”,lana doonayo in xirfadleyda warbaahinnada Soomaalidu ay adduunka tusaan quruxda dalkeenna iyo dun-wanaagga dadkeenna.

Cisman Caydurus Cisman.