Dani waa kuma.WQ.Jibril Qoobey.

Dani waa kuma”..

Siciid Cabdullaahi Dani musharax utaagan hogaaminta Puntland 2019.

Dani waxuu soo noqday Xildhibaan Baarlamaanka Fadaraalka ah oo laga doorto Deegaamada Puntland,sidoo kale waxuu soo noqday Wasiir iyo ra’isalwasaare xigeen heer Fadaraal ah.

Dani waa masuul aqoon leh,ganacsade aad looga yaqaan Deegaamada Puntland.

Waxa lagu amaanaa oo taariikhdiisa lagu xusaa in uu qayb ka qaatay horumarinta waxbarashada Puntland.

Hadaba Dani waa nin nooceeya”

Mar aan kula kulmay labo sano ka hor hotel ku yaala Copenhegen oo aan la fariistay mudo,isla markaana aan wax badan wax ka waydiiyay waxuu iila muuqday sida tan..

Nin degan.

Nin isku kalsoon.

Nin akhlaaq wanaagsan oo ehlu diin ah,afgaaban oo xishood badan.

Nin uusan ku weynayn Fadaraalisimku.

Nin Puntland aysan maqaam sare la lahayn oo u arka maamul yar oo caruurta lagu korsado.

Nin xiriir adag la leh siyaasiyiinta Damjadiid ama beesha reer Awxasan.

Nin Xamar u hanqal taagaya Puntland jaranjar kasii raba uu ku fuulo Villa Somaliya.

Hadaba maxaa khatar ku ah olalihiisa iyo hankiisa”..

Ku xirnaanshihiisa siyaasiyiinta beesha reer Awxasan.

Ka fogaanshihiisa fadaraalisimka.

Hoos udhigistiisa Puntland iyo maqaamkeeda.

isku soo wada duuboo Dani hadii uu dib isku saxo waxna ka barto waayihiisa siyaasada qaatana talooyinka haldoorka Puntland waxuu umuuqan karaa Nin la aamini karo,balse xanta hoose ee xiriirka Fahad Yaasiin iyo isaga waxay kasii fogaynaysaa shacabka Puntland ee uu rabo in uu xukumo.

Jibril Qoobey.