Madaxweyne Mustafe oo taageeray qabashada Cabdi Maxamuud Cumar

Madaxweynaha cusub ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Omar Cagjar ayaa soo dhoweeyey talaabada maanta dowlada Itoobiya ay xabsiga ku dhigtay madaxweynihii isaga ka horeeyey ee degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxaa uu sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar uu istaahilo in xabsiga la dhigo, uuna geystay xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo aan la cafin Karin.

“Cabdi Maxamuud Cumar Illey waxaa uu dalkan ka galay ma ahan wax la cafin karo, Danbiyo ka dhan ah Xaquuqda aadanaha oo isugu jira Dil, Barakicin, Isir naceyb ayuu Deegaanka ka gaystey mudaddii uu xukumaayey isaga iyo xubno ku fikir ahaa” ayuu yiri madaxweynaha cusub.

Waxaa uu sheegay in xumaan kasta oo uu Degaanka ka gaystay lagula xisaabtamayo isaga iyo Xubnihii daacada u ahaaba.

“Waxaan idin cadaynayaa qof kasta oo Deegaanka danbi ka gala maalin ay ahaataba ciqaabteeda ayuu marayaa, waana aragtaan kuwii shalay deegaanka danbiyada ka galay halka ay maanta ku danbeeyeen” ayuu intaa ku daray madaxweyne Cagjar.

Guri uu ka deganaa magaalada Addis Ababa ayay ciidamada federaalka ka kaxeeyeen Cabdi Maxamuud Cumar, madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka, kaasoo muddo bil ku dhow ku jiray xabsi guri, Waxaana loo dhaadhiciyey jeelka.

Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo shalay ka hadlayay shir jaraa’id ayaa sheegay in arrinka Cabdi Maxamuud Cumar uu mari doono dariiqa saxda ah ee garsoorka, helina doono maxkamadayn caddaalad ah.