Dowlada Jabuti oo hoos udhigtay doorkii Farmaajo Ee heshiiskii Eretereya iyo Jabuti

Dowlada Jabuti waxay uga mahadcelisay sheegtayna in ay abaal ugu hayso heshiiska dhexmaray iyada iyo dalka Eretereya dowladaha itoobiya iyo Sacuuidga.

Qoraal usoo dhigay bartiisa Twitter-ka Wasiirka arimaha dibada ee dowlada Jabuti Maxamuud Cali Yuusuf,ayuu ku sheegay ina y dowladaha Sacuudiga iyo Itoobiya ay door muhiim ah ka qaateen heshiiskaaas.

Warka kasoo baxay Dowlada Jabuti waxuu wajigabax ku yahay Madaxweynaha dowlada xamar Farmaajo oo isku muujinayay in uu yahay shaqsiga ka danbeeyay heshiisinta labadaas dal.

Xogo hoose oo la helayo ayaaba sheegaya in kulankii Ismaaciil Cumar Geelle iyo Farmaajo ee Jabuti uu kusoo dhamaaday fashil ,isla markaana dowlada Jabuti ay diiday doorkii dhexdhexaadin ee uu rabay in uu qaato Farmaajo.

Dowlada Jabuti waxay cabasho ka muujisay kuna tilmaantay hadal lagu deg-degay warkii Farmaajo ee ahaa in cunaqabataynta laga qaado dowlada Eretereya.

Qoraalka uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Wasiirka arimaha dibada ee dowlada Jabuti,ayaa uqornaa sidatan”.

 

”انً حكومة جيبوتي تثمن عاليا الوساطة التي تقوم بها حاليا المملكة العربية في حلحلة الأزمة بين جيبوتي وايرتريا كما ان جهود السلام الذي يبذلها دولة رءيس وزراء اثيوبيا خلقت بيئة مؤاتية للسلام في القرن الأفريقي”.