NINKII LAQDABO KU LUSHAA LILAAHI BUU U LUMAA

DFS oo go’doon siyaasadeed iyo mid qaynuuni ah madaxa la gashay kadib markii dawlad Goboleedyadu wadashaqayntii u jareen

Warmurtiyeedkii ka soo baxay shirka uga socday Kismaayo Golaha Iskaashiga dawlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in wadashaqyntii ka dhaxaysaay dawlada Fadaraalka iyo dawlad goboleedyada la joojiyey, inta xal laga gaarayo khilaafka ka dhex jira.

Madaxda golaha ayaa waxayna Soomaalida iyo Beesha Caalamka ugu baaqeen in khilaafka lasoo dhexgalo oo xal loo raadiyo, lana helo roadmap lagu dhamaystiro hawlaha qabyada ah. Golaha ayaa waxay ku baaqeen shirwayne qaran oo ka dhaca Garawe bisha soo socota.

Nuxurka war-murtiyeedka ayaa ah inaysan hada dawlad lala shaqayn karo ka jirin dalka, waxaana DFS lagu eedeeyey eedaymo aad u waawayn oo ay ka mid ahaayeen:

1-Inay DFS sabab u tahay fashilka dhinaca amniga iyo siyaasada.

2-Inaysan DFS daacad ka ahayn la dagalaanka Alshabab,

3-Inay DFS hay’adii Nabadsugida, Garsoorkii, Xeer Ilaalintii iyo Hanti dhowrkiiba u adeegsatay dano siyaasad

4-Inay DFS faragelin gurracan ku hayso dawlad goboleedyada dalka, kana soo horjeedo nidaamka Federaalka

Kooxda Nabad & Nolol waxay iminka galeen go’doon siyaasadeed, waxayna dhismihii dawladnimada Soomaaliya ku rideen bohol dheer oo ay qaadanayso waqti dheer kasoo saaristeeda.

Soomaaliya waxay u baahan tahay in laga wadshaqeeyo dib u dhisida dawladnimadeeda.

Cagtii joogsanweydaa marbey ceeb la kulantaa
Ninkii laqdabo ku lusha lillahi buu u lumaa
Soomaaliyo waa u guul taariikhi ah maanta

Mahdi Yuusuf Dhuux