Video:-Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka jawaab celiyay xisaabcelintii ay dalbatay dowlada fadaraalka

”Waxaan Social media ku arkay warqad lagu sheegay in ay kasoo baxday dowlada fadaraalka ,taasoo sheegaysa in nalaga codsaday hadaan nahay dowlada goboleedyada in ay xisaab celin soo samayno””ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe ..

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Waxay isku muujinayaan in ay wax nasiiyeen oo ana anagu wax khaldayno,hadaba anaguna waxaan leenahay waxaad nasiiseen baraha bulshada soo dhiga si cad oo shacabku uwada jeedo kadib anaguna xisaab celinteedii baraha bulshada ayaans oo dhiagynaa”.

Madaxweyne Axmed Madoobe waxuu si cad iskaag beri yeelay in ay jirto wax dhaqaale ah oo la siiyay oo ay kasoo xisaab celiyaan hadii ay dowlada fadaraalku haysana ay soo cadayso oo baraha bulshada soo dhigto.

Hadalka Axmed madoobe ayaa u ah jawaab qoraalkii shalay kasoo baxay Wasaarada Maaliyada fadaraalka ee ahaa in Dowlad Goboleedyadu soo sameeyana xisaabcelin,hoos ak daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka