Wasiirka amniga Dowlada Fadaraalka Oo Danmark ujooga soo celinta 370-Qof Somaliya.

Shalay waxaa si aan la shaacin uga soo degay caasimada Danmark ee Copenhagen Wasiirka Amniga ee Dowlada Federaalka, Somaliya La taliyihiisa dhanka socdaalka Mahad iyo mid ka mid ah Kalkaaliyaashiisa oo lagu magacaabo Kooshin.
 
Waftiga Wasiirka amniga Somaliya Islow ,ayaa la dejiyey mid ka mid ah Hotelada qaaliga ah ee ku yaal bartamaha magaalada Copenhagen.
 
Isla shalay oo aan gaaray Hotel-ka la dajiyay ayaysan ii suurtoobin in aan la kulmo si aan xog dheeriya uga helo ujeedka socdaalkooda.
 
Balse ilo lagu kalsoonaan karo ayaa ii xaqiijiyay in ujeedada safarka Wasiirka ay tahay sidii 370 qof ee Soomaali ah oo ay Dowlada Danmark horay ugu diiday sharciga qaarna ay kala noqotay sharciyadoodii uu usaxiixi lahaa sidii si Somaliya dib loogu celin lahaa.
 
Qorshahan cusub ee Dowlada Danmark ay wado xiligan ayaa ah sidii ugu danbayn 1200 qof oo Somali ah loogu celin lahaa Somaliya,
 
Danmark ayaa sidaanoo kale heshiis qarsoodi ah oo y dib ugu celisay Dad Somaliyed ula gashay hogaankii laanta socdaalka Somaliya Jeneral Gaafoow.
 
Dawlada Denmark in muda ah ayey ku mashquulsanayd sidii ay Soomaali badan oo ay sharciga u diidey ama ay kala noqotay ugu celin lahayd Somaliya.
 
Dhanka kale Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa iyaguna ii xaqiijiyay in qorshahan uu ku dhaqaaqay Wasiirka amniga uu wax badan ka og yahay ra’isalwasaare Khayre.
 
Su’aasha la is waydiinayo ayaa ah muxuu kala socdaa talaabadan khatarteeda leh Madaxweyne Farmaajo ?.