Dacwad laga gudbiyay Fahad Yaasiin iyo Ninka uga sareeya NISA

Taliye kuxigeenkii hore ee Nabadsugida Cabdalla Cabdalla Maxamed ayaa dacwad ka dhan ah Agaasimaha NISA iyo kuxigeenkiisa u gudbiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, isagoo eedeymo kala duwan dusha uga tuuray..
 
Warqadan oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa soo baxday saacado kaddib, markii Madaxweyne Farmaajo uu dhammaan darajooyinkii Ciidanimo ka xayuubiyay Cabdalla Cabdalla.
 
Warqadan ayaa ku taariikheysneyd 2-dii bishan September, waxaana ka muuqata sumadda qabashada Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida.
 
Cabdalla Cabdalla ayaa eedeymo kala duwan u soo jeediyay Agaasimaha Nabadsugida Xuseen Cismaan Xuseen iyo ku-xigeenkiisa Fahad Yaasiin.