Kooxda Nabad iyo Nolol oo ku baaqday in layskugu yimaado 8-bilood kadib shirkii amniga Qaranka

War kasoo baxay Xaafiiska Madaxweynaha Somaliya,ayaa lagu shaaciyay in shir wadatashi ah loogu yeeray Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka Somaliya.
 
Shirkaas,ayaa la sheegay in uu ka dhici doona magaalada Muqdisho 17ka ilaa 18ka Sebteembar, 2018 waxaana looga wada-tashan doonaa dardargelinta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Amniga Qaranka.
 
Qodobbada looga hadli doono shirkaas ayaa lagu sheegay in ay kamid yihiin arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab iyo Daacish, hirgelinka siyaasadda loo dhanyahay iyo ka shaqeynta arrimaha horumarinta dhaqaalaha, si dalka loo gaarsiiyo isku filnaasho iyo horumar waara.
 
Sidoo kale, waxaa shirkaas looga arrinsan doonaa baa lagu yiri qoraalka arrimo muhiim u ah hannaanka dowladnimada Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho ah. Qodobadan ayaa ah kuwa fulintooda iyo hirgalintoodu ay u baahan tahay wadajir iyo wadashaqeyn.
 
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay adkeynaysaa in xal u helista arrimaha masiiriga ah ee dalka ay tahay mid u taalla Soomaalida, iyada oo loo marayo hab ku saleysan wadatashi, isu tanaasul iyo ilaalinta danta guud oo ah waajib saaran dhammaan madaxda qaranka, heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed,ayaa lagu soo gunaanaday qoraalka kasoo baxay Xaafiiska Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Somaliya.
 
Warkan ayaa kusoo aaday xili Dowladaha xubnaha ka ah Dolwada Fadaraalka shir uga socday mudo Sadex beri ah Magaalada Kismaayo ay ugu danbayntii warmurtiyeed ay kasoo saareen xiriirkii iyo wada shaqayntii ay la lahayeen Dowlada dhexe ku hakiyeen.
 
Dhanka kale shirkan uu ku baaqay xiligan Madaxweyne Farmaajo ayaa ahaa mid la qorsheeyay in 8-bilood ka hor la qabto ,balse uu ka war wareegayay qabashadiisa ilaa xiligaas.
 
Isku soo wada duuboo Dad badan oo Somaliyed ayaa qaba in Dowlada Fadaraalka ah ay ka muuqat