Video:-Wadada halbowlaha u ah Magaalada Gaalkacyo oo dayactir lagu bilaabay

Wadada ugu muhiimsan ee isku xirta guud ahaan Magaalada Gaalkacyo waxaa ku bilowday dib udayactir ay aad baahi ugu qabtay.
 
Wadada oo dharerkeedu gaarayo 8.5 Km ayaa waxaa iska kaashanaya dayactirkeeda Bulshada Gobolka qaybaheeda kala duwan iyo Dowlada Hoose.
 
Dib u dayactirka wadadan waxaa ku baxaya dhaqaale gaaraya halkii Km Boqol iyo sideetan kun oo Dolar.(180.000 oo dolar),taasoo ka dhigaysa Wadarta Guud Hal Milyan iyo shan boqol iyo Sodon Kun oo Dolar (1530.000 oo dolar).
 
Waxaa xusid gaar ah mudan in shirkada dhisaysa Wadadan muhiimka ah ee Magaalada Gaalkacyo iyaduna qiimo dhimis uga qayb qaadatay dib udayactirka Wadada.
 
Gaalkacyo waxaa ka socda mashaariic dhawr ah oo muhiim ah ,kuwaasoo si iskaa wax uqabso ah ay ugu dhisanayaan shacabka Gobolka,waxaana laga xusi karaa mashruucyada hada gabagabada ah kan Isbitaalka guud ee Gobolka Mudug.
Halkan ka daawo muuqaalka