Jubbaland oo bilowday hirgalinta go’aankii hakinta wada shaqaynta Dowlada Fadaraalka

Wasiirka Qorsheynta Dawlad Gobaledka Jubbaland Mudane Aadan Aw Xirsi ayaa sheegay in aanay ka qeyb galeyn shirka Golaha Amniga Qaranka oo uu maalin ka hor ku baaqay Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayuu ku sheegay in aanay ka qeyb geli doonin shirka Golaha Amniga Qaranka ee lagu xayeysiiyay Barta Twitter-ka ee Villa Somalia.

Dawlad Gobaledka Jubbaland ayaa soo saaray awaamiirtii u horeysay ee ku wajahan Wasiirada Dawlad Gobaledka jubbaland inay gebi ahaanba hakiyaan wada shaqeyntii u dhaxeysay hey’adaha dowladda Federaalka, taasoo ka dambeysay war murtiyeedkii shirka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Farmaajo ayaa Sabtidii la soo dhaafay lagu sheegay in Farmaajo uu shir wadatashi ah uu isugu yeeray Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka, saacado kaddib war murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Dawladaha xubnaha ka ah dowladaha fadaraalka ee Kismaayo, kaasoo ay ku hakiyeen wada shaqeyntii kala dhaxeysay dowladda Federaalka.

Khilaafka iyo mad-madowga siyaasadeed ee u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah,ayaa gaaray heerkii ugu hooseeyay.