Video:-Wararkii ugu danbeeyay Ee xaalka Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar

Warar laga helayo ehelada madaxweynihii hore ee Dowlad-deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa sheegaya in ay la kulmeen “ayadoo Cabdi lagu jirdilayo xabsiga uu ku xiran yahay”.
 
Xaaska, iyo hooyada dhashay Cabdi Maxamuud Cumar ayaa labaduba ka hadlay “inay arkeen” jirdilkaasi.
 
Xaaska Cabdi Maxamuud Cumar, Sadiiqa Cabdi Ismaaciil, ayaa sheegtay in iyagoo cuno u geeyey ay arkeen askar garaacaysa Cabdi Maxamuud, kana soo tuurtay jaranjarada dhimsaha halkii uu ku xirnaa.
 
“Qolkii uu deganaa ayaan ku aragnay labaatan nin oo bustayaashii uu ku jiifay intay u dhibeen ku yiri ka kac meesha, markaan weydiinay halka ay u wadaana waxay noo sheegeen inay qolka u baddalayaan. Ka dibna waxay ka tureen jaranjaradii guriga. Wey dileen burar ayayna la dhaceen” ayey tiri Sadiiqa.
 
Diib Mahad Colow oo ah Cabdi Maxamuud hooyadiis ayaa iyaduna tiri “way jiideen, wuuna miyir belay, meel wasaq ah ayayna ku tureen, warna kama hayo inuu dhintay iyo in kale, waanan isaga soo tagnay”.
 
Talyaha Booliska federaalka ee Itoobiya, Jeneraal Zeyinu Jemal,ayaa beenyay eedaymaha qoyska Cabdi Maxamuud Cumar.
 
” Ma jirto cid garaacday. Inkastoo lagu eedeeyey dambiyo culus, si wanaagsan oo ah sidii madaxweyne hore ayey ula dhaqmayaan” ayuu yir Jeneral Zeynu..
 
Sidoo kale Jeneral Zeyinu mar uu ka hadlayey in isbitaal loo ogolaaday iyo in kale Cabdi Maxamuud Cumar ayuu waxuu yiri
 
“Isbitaal marka la aadayo waa in bukaan socod eegtada xabsiga ku dhex taalla ay u dirto. Haddii uu xanuunkiisa weyn yahayna isbitaal ayaa loo dirayaa. Nidaamka ayaa sidaas ah, cid si gaar ah wax loogu samaynayo ma jirto”.
 
Jimcaha soo socda ayaa loo ballansan yahay dhagaysiga labaad ee dacwadda ka dhanka ah Cabdi Maxamuud Cumar iyo dadka la xiran.
 
Ehelka Cabdi ayaa sheegay in loo diiday in ay qaataan damaanad uu banaanka ku joogo inta dacwaddu ay socoto.
 
Maxkamaddii hore ee la saaray ayaa ogolaatay in 14-maalmood Xabsiga lagu sii hayo inta la dhamaystirayo caddaymo ay dacwad oogayaashu maxkamadda hor keeni doonaan.
 
Cabdi Maxamuud Cumar,ayaa loo haystaa rabshadihii magaaladda Jigjiga ka dhacay afartii bishii Agoosto, rabshadahaas oo dad badan ay ku dhinteen laguna gubay dhisme kaniisadeed iyo hanti kaleba.
 
Rabshadahaas ka sokow, dacwad oogayaashu waxay diyaarinayaan eedeymo kale oo dheeraad ah,hoos ka dhagayso codka Qoyskiisa oo kawaramaya sida wax u dhaceen.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka