Video:-Halkee marayaa dhismaha isbitaalka Galakcyo?

Isbitaalka Guud ee Galkacyo oo dib u dhiskii marayo heer gabagaba ah.todobaadyo gudahoodna xariga laga jari doono.

Isbitaalka oo si casri ah dib loogu dhisay waxaa hada loo diyaarinayaa in uu noqdo dhisme Hal dabakh ah,kaasoo ka kooban 15 qaybood oo qayb walbaa ay kasii kooban tahay 9-qol oo gudaha ku leh musqulahoodii..

Guud ahaan waxuu noqon doonaa Isbitaal ka kooban 84-Qol oo Musulahoodii wata qaybtan cusub ee lagu daray hada.

Waa dhisme casri ah,waasic ah,qurux badan oo ka dhigi doona isbitaalka Galkacyo kan ugu weyn guud ahaan Isbitaalada Puntland iyo mid ka mid ah Isbitaalada ugu waa weyn guud ahaan Somaliya.

isbitaalka Galkacyo waxuu adeeg caafimaad siiyaa Bulsho lagu qiyaasay ugu yaraan Hal Milyan oo qof ,kuwaasoo ka kala yimaada Gobolada Somaliya iyo Kilinka shanaad ee itoobiya.

Galkacyo Hospital waxuu soo shaqaynayay mudo ku dhow Nus Qarni.

Dib u dhsikiisa waxaa iska kaashaday Dowlada iyo shacabka Puntland ee gudaha iyo dibada,iyadoo ay ku baxday dhqaale gaaraya hal Milyan oo dolar,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka