Ciidamo iskaashanaya oo dukhaymo ka fuliyay duleedka Muqdisho

Xoogagga Mareykanka ayaa iyagoo taageero ka helay kuwa Soomaaliya 11-kii bishan duqeymo cirka ah ka fuliyay xaafadda Mubaarak, oo qiyaastii 37 mile dhanka galbeed kaga began magaalada Muqdisho. Howlgalkan ayaa ahaa mid ka dhan ah Alshabaab.

Dukheymahan ayay ciidamada isbahaysanaya fuliyeen, kaddib markii weerar lagu soo qaaday, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidammada Mareykanka ee Afrika.

Taliska ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen labo qof, halka uu mid kalena ku dhaawacmay. Ma jiraan wax shacab ah oo kahsaaro uu ka soo gaaray weerarka sida war-saxaafadeedka lagu sheegay.