Video:-Dhismaha Wadada Wadnaha Gaallkacyo oo si rasmi ah loo daahfuray

Dhismaha Wadada Wadnaha u ah Magaalada Galkacyo,ayaa si rasmi ah ubilowday.

Xaflada Daahfurka dhismahaas oo ay iska kaashanayan shacabka Gobolka iyo Xukuumada Puntland,ayaa lagu qabtay Hotel Uunlaaye.

Hadaba Cabdirisaaq Baraag oo ka mid ah haldoorka hawsha wada,ayaan kasoox iganay warbixinta oo dhamaystiran.

XAFLAD DAAHFUR”

Tani waa Xafladdii Daahfurka Dhismaha/Dayactirka Jidka Wadnaha ah ee Gaalkacyo dhex mara kaas oo ay bulshadu isla garatay in ay dib u hagaagsato.

Xafladdu waxa ay dhacday Sept. 09, waxa ayna ka dhacday Hotel Uunlaaye. Waxaa ka soo qaybgalay ganacsato, aqoonyahano, waxgarad kale, nabaddoono, siyaasiyiin iyo shacab caadi ah inta ba.

Ujeeddadeedu waxa ay ahayd in aanu ku shaacino in dhismahii jidku billaamayo. Sidaas darteed na aanu cid kaste oo ka qaybqaadan karta ka codsano in ay na garab istaagaan oo dhaqaale, niyad-dhis iyo wanaag nagu garab istaagaan.

Hadda ba, sidee jidka loo dhisayaa?

Jidka qaybta la dayactirayo waa 8.5 km magaalada dhex marta. Waxaa lagu qiimeeyey in lagu dhisayo lacag ku dhaw $1.2 million. Dawladda Hoose ee Gaalkacyo ayaa bixinaysa $100,000 oo gundhig ah. $40,000 oo boqolkaas ka mid ah mar hore ba Guddiga ayay soo gaartay waxayna ku wareejiyeen shirkadda EBARCO taas oo jidka dhisaysa si ay1 km oo tijaaba ah ugu billowdo,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka