Xiriirka itoobiya iyo Maraykanka oo sii xoogaysanaya

Mareykanka waa inuu xoojiyaa xiriirka kala dhaxeeya dowladda Ethiopia kadib isbeddelo waa weyn oo ka dhacay dalkaas ku yaalla Bariga Afrika, waxaa sidaas sheegay diblomaasi sare oo Mareykan ah.

Tibor Nagy, oo ah kaaliyaha cusub ee xoghayaha arrimaha dibedda ee xafiiska arrimaha Afrika, ayaa u sheegay Congress-ka in Ethiopia ay ammaan ku mutaysatay isbeddelka taariikhiga ah oo ay samaysay.

“Ra’iisul wasaare Abiy Amed wuxuu billaabay kacdoon isbeddel oo saamaynaya dhammaan bulshada Ethiopia” ayuu yiri Nagy, oo intaas ku daray “wuxuu u qalmaa in lagu ammaano inuu wax ka qabtay arrimo dowladihii hore ay wax ka qaban waayeen”

Dhinaca kale Chris Smith oo ah wakiil ka tirsan congress-ka oo laga soo doorto New Jersey ayaa ku ammaanay Abiy inuu sii daayey kumanaan maxaabiis siyaasadeed ah, uu qaaday xaaladdii deg degga ahayd, islamarkaana uu heshiis la sameeyey dalka ay deriska yihiin ee Eritrea.

Saraakiisha Mareykanka waxa kale oo ay ammaaneen heshiiskii July ee Ethiopia iyo Eritrea ay kusoo afjareen 20 sano oo dagaal ah.