Hoggaamiyaasha Dalalka Itoobiya Iyo Eritrea Oo Ku Wajahan Sacuudiga, Maxaa Ay Tahay Ujeedada Socdaalkooda ?

MUQDISHO(IDIL NEWS)-Ra’iisulwasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed Ali iyo Madaxweynaha Dalka Eritrea Isaias Afwerki, ayaa 16 Bishan oo ku beegan maalinta “Axada” si wadajir ah u tagi doona magaalada Jeddah ee Boqortooyadda Sacuudiga, kaddib Markii uu Casuumaad u Diray Boqor Salmaan Bin C/casiis.

Warar laga helay Dublamaasiyiin ku sugan Caasimada Riyadh ee Sucuudi Carabiya ayaa waxay xaqiijinayaan in Magaalada Jeddah ee ku taalla xeebta Badda Cas uu ka dhici doono shir madaxeed seddex geesood ah, kaasi oo dhex mari doona Hoggaamiyaasha Sucuudiga, Itoobiya iyo Eritrea.

Wararka ayaa intaasi ku daray in inta uu socdo Shir Madaxeedka Saddex Geesoodka ah, uu jiri doono Heshiis Nabadeed oo ay kala Saxiixan doonaan Ra’iisulwasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed Ali iyo Madaxweynaha Dalka Eritrea Isaias Afwerki, Iyadoona ay goobjoog ahaan doonaan Boqorka Sucuudiga Salmaan bin Cabdulcasiis iyo Dhaxalsugihiisa Amiir Maxamed bin Salmaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa bishii hore socdaal ku tagay dalalka Itoobiya iyo Eritrea, waxaana socdaalkiisa la xiriiray arrimaha heshiiska nabadda ee labada dal iyo iskaashiga ka wada dhaxeeya.

Boqortooyadda Sucuudi Carabiya ayaa Door muuqda ku leh is bedelada ka socda Gobolka Geeska Afrika, waxaana la sheegay in Sucuudiga ahaa maskaxdii ka dambeysay ee heshiiska Eritrea iyo Itoobiya.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.