WARBIXIN:- Warbaahinta Caalamiga ah Oo Ka Hadashay Ujeedada Loo Weeraray Guriga AUN Madaxweyne Aadan Cadde ?

MUQDISHO(IDIL NEWS)-Warbaahinta Caalamka ayaa si weyn uga hadashay Weerar dhowaan lagu qaaday Guri uu lahaa AUN Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde), kaasi oo ay fuliyeen Ciidamo isigu jira Soomaali iyo Ajaanib.

Wargeyska The Guardian oo kamid ah Warbaahinta Caalamiga ah ee Wax ka Qortay Weerarkan, ayaa ayadoo Xiganeysa illa Wareedyo ka tirsan Xafiiska Ra’iisulwasaraha Soomaaliya iyo Saraakiil dhinaca Ammaanka ah, sheegtay in Weerarkaasi ay Fuliyeen Ciidamo Soomaali iyo Ajaanib ah, kuwaas oo la siiyay Xog khaldan.

Sarkaal sare oo ka tirsan Sirdoonka DF Soomaaliya, ayaa Wargeyska u sheegay in Ciidamada sida gaarka ah u Tababaran ee Soomaaliya, oo uu wehlinayaan Saraakiil Cadaan ah, ay jabiyeen Guriga, waxaana uu xusay in la siiyay Xog Khaldan aysana jirin Cid saxday inta uu Socday Howl-galka lagu Jabiyay Guriga Madaxweynihii hore ee Dalka.

Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisulwasaaraha DF Soomaaliya, ayaa Wargeyska u sheegay in Bartilmaameedku uusan aheyn Guriga Madaxweynihii hore ee soomaaliya Aadan Cadde, “Kani wuxuu ahaa hawlgal ay qaadeen ciidan gaar ah oo Soomaali ah, waxaana la socday la taliyeyaashooda Ameerikaanka ah, Xoogaggaas waxay daba socdeen xubin ka tirsan koox argagixiso oo u carartay dhinaca guriga madaxweynihii hore, laakin ciidankaas waxay si khaldan u weerareen guriga oo qoyska ay ku nool yihiin”

Sidoo kale, Sarkaalkan ayaa The Guardian, u Sheegay in Ra’iisulwasaare kheyre uu ka Raalli-geliyay Qoyska Madaxweynihii hore Weerarkaas, waxaana uu Sheegay in Baaritaan lagu Saameyn doono, dhowaana la sii deyn doono 3 Dhalinyarro ah oo laga kaxeystay Guriga.

Gaashaanle Kari Weist, oo ah Afhayeen Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM), ayaa Wargeyska u Sheegay in Doorka Ciidamada Mareykanka uu yahay “La Talinta iyo Caawinta” Ciidamada Soomaalida, Isagoona xusay inay Bah-wadaag kula yihiin Sidii loo wiiqi lahaa Awooda Howl-gallada Kooxda Al-Shabaab ee “Wagaante”.

“Howl-galka waxaa lagu Bartilmaameedsanayey Shabakadda Kooxda Al-Shabaab u Qaabilsan Qaraxyadda, Doorka Ciidamada Mareykanka waxaa ay aheyn Kaalmo oo kaliya” ayuu yiri Gaashaanle Kari Weist, oo ah Afhayeen Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM), oo la hadlay  The Guardian.

4-tii Bishan September ayay aheyd markii Ciidamo Isigu jira Ajaanib iyo Soomaali ay weerar ku qaadeen Guriga iyo beerta Madaxweynihii hore Aadan Cadde, oo ku yaalla nawaaxiga degmada Janaale, waxaana Dr Siciid Aadan Cadde oo la hadlay Warbaahinta Maalmo kaddib, uu Sheegay  in loo sheegay askartaas in guriga “uu yahay kii madaxweyne Aadan Cadde, balse ay xoog ku jabiyeen, ayna qateen alaab dhex taallay”.

Idil News.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.