Muqdisho:-Ma dhabaa in Wasiir Jamaal iibsanayo Xubin Xildhibaan Golaha Shacabka ah?

Wasiirka Qorshaynta dowladda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan,ayaa si musuqmaasauq ah kula heshiiyey Xildhibaan inuu ka gato xubinimada golaha Shacabka.
 
Xogtan oo aan ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo,ayaa tilmaamaysa in Wasiir Jamaal Xildhibaan kasoo jeeda Beeshiisa Warsengeli gaar ahaan Dubays, laakiin aysan isku jifo hoose ahayn, waxa uu kula heshiiyey inuu uga gato kursiga ay jufadiisu usoo dooratay lacag cadadkeedu yahay 100000 $ doolar.
 
Musuqmaasuqan, sifada sharci darada ah lagu kala gadanayo xubiinimada Golaha Shacabka, ayaa waxaa gadaal ka riixaya oo taageeraya Ra’iisul wasaarada xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo wasiiradiisa ku wargeliyey inay kursi Baaarlamaan raadsadaan, haddii kale uu xilka ka qaadayo oo uu ku bedelayo Xildhibaan.
 
Khayre ayaa qorshayna in ay dhamaan golihiisa Wasiiradu noqdaan Xildhibaano si ay uga difaacaan Golaha Baarlamaanka oo ilo hoose ay sheegayaan in uu jiro Mooshin xoog leh oo laga keenayo Xukuumada.
 
Talaabadan ayaa ah mid khatarteeda leh,isla markaana godkii ay ku jirtay Qaranimada Somaliya kusii fogaynaysa.
Wasiir Jamaal oo aan kala xiriirnay dhankiisa si uu iskaga difaaco xogtan ayaysan noo suuroobin.