Somaliya oo aan lagu casumin xaflada saxiixa heshiiska dowladaha Eretereya iyo itoobiya

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa gaaray Jeddah, si ay u saxiixaan heshiis nabadeed oo udhaxeeya labada dal.
 
Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Abdulaziz ayaa martigaliyay shirka ay wadaagayaan Itoobiya iyo Eritrea , kaas oo Axadda ay ku saxiixi doonan heshiis nabadeed.
 
Munaasabadda saxiixa heshiiska ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey,Antonio Gutters iyo Madaxa Midowga Afrika, Mousa Faki.
 
Dowladda Somaliya,ayaa horay u sheegtay in ay kaalin muuqata ka qaadatay heshiiska dalalka Geeska Afrika,inkastoo Dowladda Sacuudiga ay ka reebtay casuumadihii ay ukala diraysay dowladaha geeska Africa Dowlada Soomaaliya.