DHAGEYSO:- Cudurka Shuban biyoodka Oo Ka Dilaacay Deegaano Hoos-taga Degmada Balcad.

BALCAD(IDIL NEWS)-Cudurka Shuban biyoodka ayaa ka dilaacay Deegaano ka tirsan Degmada Balcad ee Gobalka Sh/dhexe, waxaana la sheegay inay jiraan Tiro Shacab ah oo u Geeryooday Cudurkan.

Cudurka Shuban biyoodka ee ka Dilaacay Deegaanadan ayaa la Sheegay inuu sabab u yahay Fatahaada Webiga Shabelle, oo Saameyn xooggan ku yeelatay, Iyadoona Sidoo kale jiraan Dad Fara-badan oo ka barakacay Fatahaada Webiga.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada Balcad ee Gobalka Sh/dhexe Axmed Sheekh Xusseen, ayaa Wareysi uu siinayay Radio Idil, ku Sheegay in Fatahaad uu Webiga Shabelle ku Sameeyay Deegaano hoos-taga Balcad, uu ka dhashay Khasaare Isigu jira mid Nafeed iyo mid Maal.

DHAGEYSO.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.