DHAGEYSO:- Xildhibaanada Galmudug Oo Ka Doodaya Mooshin Laga Keenay Madaxweyne Ku-xigeenka.

DHUUSO-MAREEB(IDIL NEWS)-Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug qeybta ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta ka doodaya Mooshin xil ka qaadis ah oo laga keenay Madaxweyne kuxigeenka Maxamed Xaashi Carabey, kaddib markii maalintii shalay Xildhibaano ku shiray Cadaado ay sheegeen inay xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf.

Illaa 97 Xildhibaan ayaa shalay mooshin ka gudbiyay Madaxweyne ku-xigeenka Maxamed Xaashi Carabey oo ku sugan magaalada Cadaado, waxaana Xildhibaanada ku sugan Dhuusamareeb ay maanta bilaabayaan dooda ugu horeysa, iyadoo maalinta berrina cod u qaadaya.

Xildhibaan Xassan Cali-dhuux Cali-maad, oo kamid ah Baarlamaanka Galmudug, ayaa Radio Idil u Sheegay inay maanta ka Doodayaan Mooshin Shalay ay ka Gudbiyeen Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, ayna Filayaan inay Berri u Qaadaan Cod.

Xildhibaan Xassan ayaa Xusay in Ujeedada Mooshinkoodu uusan aheyn Duminta Galmudug, ee uu yahay Illaalinta Midnimada Galmudug, oo sida uu Sheegay ay Fara-gelin iyo kala Qab-qob ku Hayso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

DHAGEYSO.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.