SAWIRRO:- Boqor Salmaan Oo Biladdii Ugu Sareysay Ee Boqortooyada Sacuudiga Guddoonsiiyay Hoggaamiyaasha Dalalka Itoobiya Iyo Eritrea.

JEDDAH(IDIL NEWS)-Boqorka Sucuudi Carabiya Salman Bin Cabdulcasiis ayaa biladdii ugu sareysay ee Boqortooyada guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Shirka Nabadda ee lagu saxiixay heshiiska dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa ka dhacay magaalada Jeddah, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Dhaxalsugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutterres iyo mas’uuliyiin kale.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa door weyn ku laheyd heshiiska Itoobiya iyo Eritrea oo lagu soo afjaray colaadii labada dal u dhaxeysa muddo labaatan sano ah, isla markaana uu caadi ku soo laabtay xiriirkii labada dal.

SAWIRRO.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.