SAWIRRO:- Markab Sida Xoolo Fara-badan oo Ka Shiraacday Dekedda Kismaayo.

KISMAAYO(IDIL NEWS)-Dekedda Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland, waxaa maanta ka Shiraacday Markab siday Xoolo Fara-badan, kuwaas oo loo dhoofiyay mid kamid ah Dalalka Carabta.

Xoolahan ayaa la Sheegay in loo Dhoofiyay Dalka Cumaan, Iyadoona Tiradoodu gaareysay 2000 oo Neef, kuwaas oo Isigu jiray Ari iyo Lo.

C/caziiz Aadan Bashiir oo kamid ah Masuuliyiinta Maxjarka Magaalada Kismaayo, ayaa u Sheegay Warbaahinta, in Xoolahan laga Raray Dekedda Kismaayo loo Waddo Dalka Cumaan, Isagoona Xusay inay jiraan Xoolo kale oo maalmaha Soo Socda loo Dhoofinayo Dalalka, Sacuudiga, Masar iyo Qatar.

Dhowaan ayay aheyd Markii Dowladda Sacuudiga ay soo Celisay Xoolo gaaraya 27,000, kuwaas oo laga raray Dekedda Magaalada Boosaaso, walow Sacuudigu uu Bilo ka hor ku dhawaaqay inuu Xayiraadii ka qaaday Xoolaha Soomaaliya.

SAWIRRO.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.