SAWIRRO:- Xaaladihii Ugu Dambeyay Ee Xildhibaan Maxamed Boorow Iyo Madaxda DF Soomaaliya Oo Booqday.

MUQDISHO(IDIL NEWS)-Xaalada Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, ayaa soo Hagaageysa kaddib dhaawac culus oo ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigiis, kaas oo xalay fiidkii ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Boorow ayaa waxaa la Sheegay inuu Qaraxaasi ku waayay gacantiisa Bidix oo go’day, Iyadoona Dhaqaatiirka isbitaalka la geeyay Xildhibaanka ee Erdogan, ay Sheegeen in Xildhibaanku uu qabo Dhaawac culus.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Guddoonka Baarlamaanka ayaa isbitaalka ku booqday xildhibaan Maxamed Mursal booroow, waxaana ay sheegeen in dowladda ay la socon doonto Xaaladda Xildhibaanka.

SAWIRRO.

 

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.