Somaliland Oo Joojisay Shidaalkii Uga Imaan Jiray Dalka Itoobiya.

HARGEYSO(IDIL NEWS)-Somaliland ayaa ku Dhawaaqday inay Joojisay Shidaalkii uga Imaan jiray Dalka Itoobiya, kaas oo ay Isticmaali jireen Shacab Fara-badan oo ku Dhaqan Deegaanada Somaliland.

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Somaliland, ayaa amray in la joojiyo Shidaal Magalada Bali-gubadle uga imaan jiray dalka Itoobiya oo ay xaduud la leedahay kaas oo dadka Magaaladaas ku nool ay isticmaalaan.

Wasiirka ayaa Sheegay in Amarkan looga Gol lee yahay in Suuq loo Sameeyo Shidaalka kale ee yimaada Somaliland, Maadama Haamihii Shidaalka Haatan ay la soo Wareegtay Xukuumadda Somaliland.

Dhinaca kale, Dadka ku nool Magalada Bali-gubadle ayaa Sheegay in Amarkani uu yahay mid lagu Car-qaladeynayo Shacabka Magaalada iyo Deegaanada ku Xeeran, waxaana ay ku Eedeeyeen Xukuumadihii soo Maray Somaliland in aysan ka Shaqeynin Marna Hormarka Dadka ku Dhaqan Deegaanka Bali-gubadle, ee ay doonaan oo Kaliya Dibin Daabyadooda.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.