Video:- Wafti Uu Hoggaaminayo Sen. C/rixmaan Faroole Oo Gaaray Garoowe, Kana Hadlay Khilaafka DF Soomaaliya Iyo D/gobaleedyada.

GAROOWE(IDIL NEWS)-Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, waxaa soo gaaray Wafdi uu Hoggaaminayo Sen. C/rixmaan Maxamed Maxamuud Faroole, kuwaas oo Gulaha Aqalka Sare ay u soo direen inay Kulamo la qaataan Madaxda Sare Puntland, si loo xaliyo Khilaafka u dhaxeeya Dowlad Gobaleedyada iyo Dowladda Federaalka.

Waftiga uu Hoggaaminayo Sen. C/rixmaan Faroole ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay Xubno ka tirsan Labada Gole ee Puntland, oo uu kamid yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi.

Sen. C/rixmaan Faroole, oo Warbaahinta kula hadlay Garoonka Diyaaradaha ayaa Sheegay in Isaga iyo Waftiga uu Hor-kacayo ay Garoowe u yimaadeen sidii ay ula kulmi lahaayeen Madaxda Sare ee Puntland, si ay uga dhageystaan Waxyaabaha ay ka Tabanayaan DF Soomaaliya, maadama Golaha Aqalka Sare uu u soo Xil-saaray Deegaanada Puntland oo ay ku Matalaan Golaha.

DAAWO.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.