Adis-ababa:-Xaalka amaan Ee Itoobiya oo meeshuu ugu xumaa gaaray

Sida Lawada Ogsoon Yahay Dalka Itoobiya wuxuu ahaa Dal dhanka amaanka aad uga sareeyay Marka La barbar dhigo Wadamada Qaarada Afrika,gaar ahaan kuwa ku hareeraysan ee Bariga Africa.
 
Qowmiyadaha ku kala duwan afka,dhaqanka iyo diinta,ayaa Si Nabadgalyo Iyo Cabsi La’aan ah ugu wada Noolaa dalkaas.
 
Sanadihii ugu danbeeyey waxaa lasoo darsay xaalad Amni dari ah siiba xiligii uu xilka qabtay Ra’iisal Wasaaraha haatan haye ee Abiy Ahmed oo la aaminsanaa markii loo doortay xilkaas in Wadanku noqonayo mid xasiloonaada.
Hadaba Inuu Wadanku dego daaye xaalad tii hore kasii daran ayuu galay waxaa maanta lagu dilay agagaarka Addis Ababa 27-Qof Oo Amxaaro ah,waxaana Guryahoodii laga Qixiyey In Kabadan kumanaan kun,
 
Dadkaas,la qaxiyay,ayaa Guryahooda la burburiyay lagana fiiqday Jiingadaha si aysan dib danbe hami uga soo gelin in ay dib ugu soo laabtaan.
 
Dhibaatadana dilka Iyo barakicinta ah,ayaa waxaa wada Ururka Dhalinyarada Qeero ee Oromiyaa.
 
Ururkan Oo ah Mid waxwalba oo uu sameeyo Dawladu ay ku taageerto,isla markaana cid eedaynaysa ama sharciga la tiigsanaysaa oo ay ka baqayaan aysan jirin.
 
Ururkan ayaan la fahansanayn ujeedada ay leeyihiin Iyadoo Markii hore la Moodayey In ay uhalgamayaan sidii ay kursiga ugu fariisan Lahaayeen masuul kasoo jeeda Qowmiyadooda Oromiyaa.
 
Ururkan dhalinyarada Oromiyaa ee Qeero,ayaa ka kooban Xubno 12-Milyan ah,kuwaasoo aan Cidna U aabo yeelin,waxayna Madaxda Ugu Saraysa Dalka Sheegaan In ay yihiin kuwii keenay Isbedalkii Siyaasadeed Ee Dalka ka dhacay.
 
Maxay Tahay Ujeedada ay hada ay Leeyihiin ee Ay rabshadaha Iyo Qaska uwadaan?.
 
Waa Su’aal Aad Laysu weydiinayo walina Jawaabteedii aan la helin.
 
Dhanka kale waxaa Iyaguna Qas Iyo walaaq wada Ururadii mucaaradka ahaa Siiba Ururka Ginbot-7 oo durba Isagoon kow Joogin bilaabay qorshayaal ay adag tahay ina y ka hirgalaan itoobiyada maanta jirtaa,kuwaasoo ay ka mid yihiin,
 
A.Hala badelo Calanka
 
B.Hala baabiyo nidaamka Qowmiyadaha.
 
Qorshayaasha Gibot-7,ayaa ah midka xaalada Siyaasadeed karka ku siyaadiyay oo kusii shubay baasiink,isla markaana la oran karo waxuu abuuray Dhibaatada haatan Addis-Ababa ka taagan.
Halkan ka daawo muuqaal calan

Todobaadkan waxaa bilaami doona Shirar ay si gooni gooni ah uyeelanayaan Ururada ku bahoobay Ururweynaha EPRDF,waxaana maalinka beri ah ugu Soo horeynaya Shirka ay yeelan Doonaan Ururka OPDO ee Qowmiyada Oromada.kaasoo looga xaajoon doono qodobo ay ugu muhiimsan yihiin,
 
A.Bedelida Calanka Deegaanka Oromiya Iyo Astaanta Xisbigooda.
 
 
Shirka Xisbiga Oromada ee bahwadaagta la ah Ururweynaha EPRDF,waxaa ku xigi doona oo iyaguna shirkooda qabsan doona kan Ururka Qowmiyada Amxaarada ee ku jira bah wadaagta EPRDF.
 
Shirka Qowmiyada Amxaarada,ayaa looga xaajoon doonaa qodobo ay ugu muhiimsan yihiin,badalida Calanka Qowmiyadaas sida kan Oromada.
Calanka itoobiya oo la gubayo
Labadan Qowmiyadood ee Amxaarada iyo Orromada,ayaa ku looltamaya xilka ugu sareeya Dalka Doorashada Dhici Doonta 2012 taariikhda itoobiya.Inkastoo laga yaabo In doorashada dib looga dhigo xiligii loogu talogalay si khilaafaadka taagan loogu helo wakhti lagu xaliyo.
 
Diblamaasiyiinta shisheeye ee Addis-ababa Fadhiya,ayaa aad uga dayrinaya xaalada amni ee guud ahaan itoobiya,
 
Wadamo muhiim ah oo saamayn ku leh siyaasada dalkaas,sida dalka Britain,ayaa dadkiisa uga digay in ay soo Galaan gudaha itoobiya,sidoo kalana kuwa jooga ay uga baxaan sida ugu dhakhsiyaha badan,maadama aan laysku halayn karin xaalada amni.
 
Isku soo wada duuboo xaalada dalkii ahaa awooda geeska Africa iyo mid ka mid ah Quwadaha Africa,ayaa kusii hoobanaya god ay adag tahay in laga badbaadsho,iyadoo lasaadaalinayo hadii doorashada soo socota lagaga Guulaysto xilka dalka ugu sareeya Qowmiyada Oromada Ee haatan talada gacanta ku haysa ay ku dhawaaqi doonto goosasho ay ka go’do itoobiya inteeda kale.