Faallo:-Madaxweyne Geelle oo gaaray dalka Boqortooyada Sacuudiga

Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa galinkii dambe ee Axaddii shalay gaaray magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya , saacado yar kaddib markii heshiis nabadeed ay ku kala saxiixdeen magaalada Jeddah madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Horey looma sii sheegin booqashada uu dalka Sacuudi Carabiya ku tagayo madaxweynaha Jabuuti, waxaana labadii maalin ee u dambeysay dalka Sucuudiga ugu sugnaa wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti.

Madaxweyne Geelle ayaa cusuumad ka helay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Gaar ahaan Boqor Salmaan Cabdulcasiis. Dawlada jabuuti hore ayey u sheegtey in dawlada Sacuudigu culays ku saarayso in ay Dawlada Eriteriya la heshiiso wax shuruudana ku xirin.

Danta dawladaha Sacuudiga & Imaaraadka ay waqtigan hada la joogo uga wada shaqeynayaan Nabada Geeska Afrika ayaa lagu sheegaa in ay tahay mid ay ku jirto dantooda amni,Balse sida xaqiiqda ah Waqti hore ayey awoodeen inay dhaqaalo ku bixiyaan Nabada Geeska Africa.

 

 

Halka ay waqtigan hada la joogo dawlada Sacuudiga ka heshiisiineyso dawladaha Jabuuti iyo Eriteriya oo ay iminka meel isugu keentay,

Labada hogaamiye ee Madaxweyne Geele iyo Madaxweyne Afwerki ayay aheyd in ay Dhaqaalo badan u balan qaado kuna qasabto inay ilaawaan wixii colaad ah ee hore u soo dhex maray.

Heshiisiinta labadaan dowladood ee jabuuti iyo Eriteriy wuxuu dawlada Sacuudiga u sahlayaa in ay xiligan hesho Koox Gaashaan buur ay la noqota oo aad ugu dhow xuduud badeedka wadanka Yemen.

Waxaana ii muuqda in colaad weyn.ka dhex qarxi doonto dawladaha isku haysta danahooda Amni, Dhaqaale iyo mid Diimeed.

 

 

Dhamaadka sanadkan 2018 ka dagaalka hada ka socda Yaman waxa uu yeelan doonaa waji cusub waxaana uu isku rogi doonaa mid caalamiya sida dagaalka Suuriya oo kale.

Sidoo kale waxaa suurta gal ah in dawladaha Sudaan, Iran, Turkiga, Qatar, & Cuman. in ay iyaguna Ka soo hor jeestaan xulufada Sacuudiga iyo imaaraadka itoobiya Jabuuti & Eritariya.

Falanqeyntayda waxaa farta ku fiiqayaa in aan Taariikhda ka baraney in colaadu si fudud ku bilaamato waqti dheer ay qaadato in colaadaa Nabad loo helo

Dagaalka yemen wuxuu ku bilaamay in laga hor yimaado madaxweye Cali Cabdale Saalax waqti yar ka dib wuxuu isku badaley dagaal sokeeye oo bur buriyey dalka Yemen oo dhan.

Xaalada siyaasadeed ee dalka khaliijka ayaan deganey wixii ka danbeyey bilowga dagaalka yemen waxaa timid colaad dhextaal kooxa suniga iyo shiicada kuwada nool wadamada khaliijka.

Hadii gacan ka hadalka kooxa suniga iyo shiicadu siicodo waxaa hubaal ah in.dagaalka yemen ku fididoono dhamaan.wadamada khaliijka waa cabsida ay qabaan boqorada Sacuudiga iyo imaaraadka waxaa dalkooda wada degan bulsho aaminsan mahdabta suni iyo shiico.

Qore Danjire Mahamed Caalim

caalim68@hotmail.com