Leyla Cilmi oo si rasmi ah ugu guulaysatay Xubin Xildhibaanimo Baarlamaanka Sweden

Leyla Cilmi oo ah Gabar Soomaaliyeed oo Sweden daganayd mudo 28-sano ah, ayaa ku guuleysatay in ay ka mid noqoto Baarlamaanka Sweden.

Leyla oo ka tirsan xisbiga Cagaaran ee dalka Sweden,ayaa heshay codad gaaraya 1400 oo cod.

Guusha leyla oo ah mid taariikhiya,iyadoo noqonayasa qofkii Somali ah ee gaara darajadaas ama fariista Baarlamaanka Sweden.

Saxaafada dalka Sweden ayaa aad uga hadleysa guusha taariikhiga ah ee Leyla Cilmi ..la soco wararkayaga danbe iyo waraysiyo aan ka qaadi doono Xildhibaan Leyla Cilmi.