DHAGEYSO:- Sen. C/rixmaan Faroole Oo Sheegay in Nidaamka Federaal-ku Uu Bad-baado U Yahay Soomaaliya.

GAROOWE(IDIL NEWS)-Senator C/rixmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), oo hadal ka Jeedinayay kulan maanta Dhex maray Bulshada Rayidka ah ee Puntland iyo Senator-da Golaha Aqalka Sare uu u soo Diray Deegaanada Puntland, ayaa ka hadlay Nidaamka Federaalka ee ay Soomaaliya qaadatay.

Sen. Faroole oo ku Dheeraaday Faa’idada nidaamka Faderaalka ee ay qaadatay Soomaaliya, ayaa Sheegay in Federaalka uu Dalka u yahay mid Nabad, Hormar, Wada-noolaansho iyo Dowladnimo u horseedi doona.

C/rixmaan Faroole, oo Hoggaaminaya Xubnaha Golaha Aqalka Sare uu u soo Diray Deegaanada Puntland, si loo xaliyo Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada, ayaa Sheegay inay Rajaynayaan in lagu Guuleysto Xal u helida Khilaafka D. Gobaleedyada iyo DF Soomaaliya.

DHAGEYSO.