Xildhibaanada Galmudug Ee Ku Sugan Dhuusa-mareeb Oo Xilkii Ka Qaaday Madaxweyne Ku-xigeenkii.

DHUUSA-MAREEB(IDIL NEWS)-Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug qeybtooda fadhiya Dhuusamareeb ayaa maanta ku dhawaaqay inay xilka ka qaadeen Madaxweyne kuxigeenka Maxamed Xaashi Carabey.

Xil ka qaadistan ayaa qeyb ka ah, tallaabooyin iska soo horjeeda oo ay kala qaadayeen Xildhibaanada Galmudug ee ku kala sugan Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Illaa 140 Xildhibaan ayaa u codeeyay mooshinka xil ka qaadista Madaxweyne kuxigeenkii Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, kaddib mooshin doodiisa socotay 3 maalin.

Maxamed Xaashi Carabey oo ku sugan Cadaado ayaa sheegay in xil ka qaadistaan aysan waxba ka jirin, isla markaana ay tahay arrin baal marsan sharciga.

Horay Xildhibaanada Dhuusamareeb ku sugan waxay xilka ka qaadeen Guddoomiyihii Baarlamaanka Cali Gacal Casir.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.