Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada Oo War Kasoo Saaray Heshiiska DF Soomaaliya Iyo Madaxweynaha Hirshabelle (AKHRISO)

GAROOWE(IDIL NEWS)-Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada ayaa War kasoo saaray Heshiiskii uu ku Dhawaaqay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, in uu la gaaray Dowladda Federaalka Soomaaliya.

War-murtiyeed kasoo Baxay Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada oo ka Koobnaa 6 Qodob, ayay ku Sheegeen inuu Heshiiskaas uusan Waxba ka bedeli Doonin Mowqifkooda ah inay Hakiyeen Wada-shaqeyntii ay la lahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Iskaashiga ayaa Sheegay in Mowqifkoodu uu yahay Danta Guud ee Dalka, Sida Amniga Dalka, Federaaleynta Dalka, Dhowrida, Dib-u-eegista iyo Dhameys-tirka Dastuurka, Qeyb-siga Kheyraadka iyo Hanaanka Cadaalada iyo Garsoorka Dalka, oo ay ka Muuqdaan Fashilo.

AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA KA SOO BAXAY GOLAHA ISKAASHIGA DOWLAD GOBALEEDYADA.