Ciidamada NISA Oo Gacanta Ku Dhigay Xubno Ka Tirsan Kooxda Al-Shabaab.

MUQDISHO(IDIL NEWS)-Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho waxay ku qabteen xubno ka tirsan Amniyaadka Al-Shabaab.

Sida lagu qoray bogga Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in labo shaqsi oo ka tirsan Amniyaadka Al-Shabaab lagu qabtay degmada Dharkeenley.

Howlgalkan ayaa la sheegay in aanay jirin cid wax ku noqotay, waxaana uu ka mid ahaa howlgallo taxano ah oo Hey’adda NISA warbixinadiisa ku soo bandhigeysay bogga Twitter-ka.

Inta badan howl galada NISA ayaa ah kuwo qarsoodi ah oo warbixinada laga soo saaro ay kooban yihiin.