DHAGEYSO:- Madaxweyne Gaas Oo Ku Dhawaaqay In Badhan Ay Tahay Magaalada 4-aad Ee Wax Soo Saarka Puntland.

BADHAN(IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, oo ku Sugan Degmada Badhan ee Gobalka Sanaag, ayaa ku Dhawaaqay in Degmadas uu ku dhacay Isbedelkii ugu Balaarnaa Mudadii 5 Sanno aheyd ee ugu Dambeysay.

Madaxweyne Gaas, oo Shalay Gelinkii Dambe Khudbad ka Jeedinayay Munaasabad Xariga looga Jarayay Jaamacadda Makhir Ee Badhan, ayaa Sheegay in Badhan ay Hormaro balaaran Sameysay, waxaana uu Xusay in Hormaraadaasi u kamid yahay Dhaqaalaha oo uu Sheegay in horeyto looga kabi jiray.

Madaxweynaha Puntland ayaa Daaha ka Rogay in Degmada Badhan ay Haatan tahay Magaalada 4-aad ee  Wax soo saarka Puntland, waxaana uu Tilmaamay inay ka Horeeyaan Magaalooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa Sheegay in Kaalinta 4-aad ay horeyto ugu jiri-jirtay Degmada Qardho, waxaana uu Qiray in Dhaqaalaha ka soo baxa Degmada Badhan uu kaafin karro Gobalada Sanaag iyo Hayland.

DHAGEYSO.