Madaxweyne Farmaajo Oo Dabada Ka Riixaya Mooshin Ka Dhan Ah Ra’iisulwasaare Kheyre.

MUQDISHO(IDIL NEWS)-Madaxweynaha DF Soomaaliya Maxamed Abdullahi Farmaajo, ayaa Hoosta Ka Riixaya Mooshinkii Ugu Cuslaa Oo ay Wadaan Xildhibaanada Golaha Shacabka BF Soomaaliya, Kaas oo Meesha Looga Saarayo Ra’iisulwasaare Xassan Cali Kheyre.

Mooshinkan oo ah Kii ugu Cuslaa, ayna Iska Kaashanayaa Xildhibaanada u Kala Jabsan Labada garab, ayaa Ujeedadiisa lagu Sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo uu Meesha uga Saaro Xassan Cali Kheyre, si uu u soo Dhaweysto Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Beesha Caalamka, ayaa la Sheegay inay u Sheegtay Madaxweyne Maxamed Abdullahi Farmaajo, in aysan u Dul-qaadan Doonin in Dadaalkii ay ku soo bixiyeen Xasiloonida Soomaaliya Sanadaha Badan, ee ah Dhiiga iyo Dhaqaalaha, inuu noqdo “Hal Bacaad Lagu Lisay”, oo ay ku tuntaan Isaga iyo Xassan Cali Kheyre.

Waxaa ay Sheegeen inay Dusha kala Socdaan Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya, oo ay Sheegeen inay Sababtay inuu Faraha ka baxo Amniga Dalka, Sidoo kalena lagu Tunto Nidaamka Federaalis-ka ee ay Soomaaliya Qaadatay.

Xubnaha Beesha Caalamka, ayaa ugu Baaqay inuu Tilaabo Deg deg ah Qaado, taas oo uu Xal ugu Raadinayo Tabashooyinka Dowlad Gobaleedyada, oo BC Sheegtay inay yihiin Kuwa jira.

Ra’iisulwasaare Kheyre, ayaa la Filayaa in Todobaadka Soo Socda ay u yeeraan Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Dood ay Saddex Maalin ku lahaayeen Muqdisho, ku Eedeeyay Xassan Ali Kheyre iyo Xukuumadiisa inay ku Fashilantay Amniga Dalka iyo Dhamaan Balan-qaadyadii ay Xildhibaanadu ku siiyeen Codka Kalsoonida Ah.

Intii uu Furmay Kala-fadhiga 4-aad ee Xildhibaanada Golaha BF Soomaalya, ayaa la Sheegay inaan laga Seexan Villa Soomaaliya, gaar ahaan Xafiiska Ra’iisulwasaare Kheyre oo Dadaal ugu jira Sidii loo Dhabar-jabin lahaa Mooshinka Culus ee ka dhan ah Xassan Cali Kheyre.

Si Kastaba ha ahaatee, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa haatan Diyaariyay Mooshinka, Waxaana la Sheegay in Doodii ay Xildhibaanadu lahaayeen 3 Maalin ee Looga hadlayay Amniga Dalka, ay aheyd mid Gogasha loogu Xaarayay in Golaha la soo Hor-dhigo Dhowaan Mooshinka ka dhanka ah Ra’iisulwasaare Kheyre.

Waa Xog U Gaar Idil News.