Danjire Caalim “Waa In Xoriyadiisa La Siiyaa Madaxweyne Farmaajo” (Free Madaxweyne Farmaajo)

GAROOWE(IDIL NEWS)- Waxaa dareen sanahay in madaxweyne farmaajo koox dhalin yaro ah oo aan aqoon lahay oo dhaqan dawladnimo hore u arag inay La taliyaal looga dhigay. arinkaa wuxuu wax garadka soomaaliyeed ku beeray walaac iyo shaki Waxaa timid in su’aal la iska waydiiyo awoodiisii Madaxweyne farmaajo ee dastuuriga ah.

Waa in Golayaasha sharcidajintu bilaabaan Mooshinka ah Free Farmaajo. Dhaqanka Dawladnimo ee aduunka aan ku nool yahay Madaxweyne kasta inta uu xilka hayo wuxuu ka hadlaa xaaladaha siyaasadeed ee dalkiisa marka shacabku ubaahdaan inay ogaadaan Go’aanka ama Rayiga Madaweynaha Free Farmaajo xaaladaha uu ka aamusay!

  1. Dhacdooyinka waa weyn ee uusan ka hadlin Madaxweynaha, 2. Afduubkii Qalbi Dhagax 3.Weearkii Maatada lagu laayay ee Bariire. 4. Weerarkii Siyaasiga A A Warsame 5. Maxaa keenay xilka qaadida Guddoomiye Jawaari. 6. Weerarkii Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibadda. 7. Dhacdooyinka xanuunka badan ee maalmahaan ka dhacaya Muqdisho. 8. Qalaasaha Siyaasadda arimaha dibadda iyo khilaafka Dowlad gobaleedyada. 9. Fashilaada ku timid dagaalka Al-shabaab lagu qaado. 10. Xilka qaadida Gudoomiyaha maxkadasare iyo Qofka lagu badalay sida sharciga ah ee lagu magacaabay. 11. Xaqiraada iyo joojinta wadahadalada somalia iyo somaliland. 12. Dilki wasiir cabaas oo aheyd dil siyaasdeed in loo aqoonsado.

Si madaxweyne farmaajo u dareemo in masuuliyad ka saaran tahay xalinta khilaafka siyaasadeed ee dalku ku jiro. Inuu ka aamuso waa in la helaa free farmaajo.

Shacabka soomaaliyeed waxaa shaki kaga jiraa Madaxweyne Farmoojo sow ma’ ahayn madaxweynihii shacabka Goormaa xoriyadiisii Madaxweyne laga qaatay, aaway Balamadii uu shacabka laga lay yaa hortaagan su’aalahaa iyo kuwa badan waxay keenee in la is waydiiyo, Madaxweynaha ee xilka uu hayo ee dasruuriga ah maku shaqey karaa.

Kooxda ku haysata xilkiisa Madaxweyne in toos ah loola hadlo Madaxwyne Farmaajo in isagu xilkas soo doontey balanqaadey inuu shacabka soomaaliyeed ku hogaamin doono wado dib u heshiin iyo dhisida Qaran soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu hore u sheegay intii uu taageerada shacabka uga adkaan doono Al-Shabaab. arinkaa teegeerada shacabka xagee martay yaa Fashiliyey xiriirkii madaxweye farmaajo iyo shacabkiisa.?

Khaladaadka siyaasadeed ee Awoodiisa lagu sameenayo maxaa keenay, Madaxwene Farmaajo wuxuu balanqaadey inuu dhisi doono ciidan sirdoon oo awood leh, Iska dhaaf inuu dhisee sirdoonkii ay horey u dhiseen Madaxdii hore ayuu  ayaaba la bur buriye, Iyadoona la jabsaday Xaruntii NISA, Walina arinkaa Madaxweynuhu kama hadlin.

Madaxweyne farmaajo wuxuu balanqaadey In dadka ay dilaan Al-shabaab mag dhaw laga bixinayo mag dhaw la siiya iska daaye in dawladiisu tacsi u dirto ayey diiday.

Fadeexadii Muwaadin Qalbi-dhagax oo aan Cidna maxkamad loo keeni,  Khaladaadka siyaasadeed ee lagu sameynayo magac madaxweyne Farmoojo lama soo koobi karo muda 1sano iyo lixbilood waa in shacabku waxa iska waydiiyaan hogaanka Madaxweyne Farmaajo.

Siyaasada dalka ayaa iminka ah mid cakiran, iyadoo aan la saadaalin karin, sida hadda waxa u socdaan, marka loo eego guuxa Baarlamaanka ka jira, maamul goboleedyada oo haki galiyey wada shaqeynta Dowladda Madaxweyne Farmaajo. xaalada Xukumada Raysal wasaare khayre oo joojisay wada shaqeyn tii Golayaasha sharciga.

Wadanku wuxuu u baahan yahay siyaasad ah Free madaxweyne Farmaajo, Madaxweyne awood leh.

Waxaa Falanqeyntan kooban isku waydiiyay waxaa shaki shacabka kaga jirta xoriyada Madaxweynaha Go’aanada uu gaari karo.

Free Farmaajo

W/Q. Danjire Mahamed Caalim

[email protected]

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.