Kulankii Wasiir Jamaal iyo Ardayda Jaamacadaha Garowe oo la baajiyay

Puntland ayaa galabta baajisay shir uu dhalinyarada jaamacadaha Puntland uu la qaadan lahaa wasiirka qorsheynta ee dowlada fadaraalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo maanta xubin xildhibaanada aqalka hoose loogu doortay Garowe.

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali oo ayaa noo xaqiijiyay in shirkaas la joojiyay, waxuuna sababta shirka loo joojiyey uu ku sheegay xiriirka Puntland iyo dowlada dhaxe oo go’an.

kulanka,ayaa waxaa kaloo ka qayb gali lahaa Gudoomiyaha Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Fadaraalka  Soomaaliya Xaliimo Yarey iyo Cabdiqani Cabdi Jaamac oo Wasiir kasoo noqday Jubbaland, hadana ah lataliyaha Ra’isalwasaare Kheyre.

Shirka wasiir Jamaal Maxamed xasan uu la yeelan lahaa ardayda jaamacadaha Puntland waxaa lagu qaban lahaa Jaamacada PSU.